Madaxweynaha Tunisia oo soo jeediyay in doorashada guud la qabto 6-da Oktoobar

0
383

Madaxweynaha dalka Tunisia Kais Saied ayaa digreeto uu soo saaray waxaa uu ku soo jeediyay in doorashada guud ee waddankaasi ay qabsoonto 6-da bisha Tobnaad ee Oktoobar ee sanadkan.
Hasa ahaate , ma uunan ku caddeyn dikreetada inuu mar kale u tartamaya hoggaanka ugu sarreeya ee Tunisia iyo in kale.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii la doortay wuxuuna xilligaasi ballan qaaday inuu cirib tiri doono musuqmaasuqa.
Garabka mucaaradka ee Tunisia ayaa sheegaya in aan doorasho xor ah la qaban karin ilaa inta laga soo siidaynaya maxaabiista siyaasadeed iyo wariyaasha xiran.
Waxay tani ku soo beegmaysa iyadoo ururka qaran ee wariyaasha ee Tunisia uu sheegay in la xiray ugu yaraan 60 wariyaal ah, qareenno iyo siyaasiyiin ka soo horjeeda maamulka madaxweyne Kais Saied.