Madaxweynaha Talyaaniga oo dalka safar ku soo gaaray

0
364

Waxaa wadanka booqasho rasmi ah oo qaadanaysa afar maalmood ku yimid madaxweynaha dalka Talyaaniga Sergio Mattarella.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr.Alfred Mutua oo galinkii dambe ee shalay ku soo dhaweeyay garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaalada Nairobi ayaa sheegay in hoggaamiyaha Talyaaniga uu kulan la qaadan doono dhigiisa Kenya William Ruto.
Kulanka ayaa ah mid lagu xoojinaya iskaashiga labada waddan ee dhanka ganacsiga iyo maalgashiga.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla eegi doono sida dowladahooda ay iskaga kaashan karaan arrimaha horumarka sida biyaha , dalxiiska iyo wax soo saarka beeraha.
Mattarella ayaa sidoo kale Jaamacadda Nairobi ka jeedin doono khudbad ku saabsan isbeddelka cimillada.
Bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu shaaciyay in dhigiisa Talyaaniga uu booqasho ku imaan doono Kenya wuxuuna tilmaamay in tani ay sii xoojin doonto wada shaqeynta dalalkan.