Madaxweynaha Taiwan oo cambaareysay dhoolatuska Shiinaha

0
175

Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa cambaareysay dhoolatuska militari ee dowladda Shiinaha ay maalmihii la soo dhaafay ka wadday agagaarka jasiiraddaasi.
Waxay sheegtay in howlgalladaasi ay yihiin kuwo laga dheehan karo mas’uuliyad darro sidoo kalena ay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka.
Shiinaha ayaa dhawaan sheegay in howlgallada ay ka qayb qaadanayaan ilaa Siddeed Markab.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Taiwan ay kulan la qaadatay guddoomiyaha aqalka wakiillada ee Maraykanka Kevin McCarthy taasoo ay ka carootay xukuumadda Beijing oo ayna sheegtay inay ka falcelinaysa.
Tsai ayaa safarrada lagu tago dalalka saaxiibbada ah ku tilmaantay caado muddo dheer soo jirtay oo ay rajeynayeen shacabka Taiwan.
Shiinaha ayaa jasiiradda Taiwan u aqoonsan inay ka mid tahay dhulkiisa in kastoo halkaasi uu ka jiro maamul madax bannaan.