Madaxweynaha dalka Syria Axmad Al-Sharaa ayaa sheegay in weerarrada ay Israa’iil ka gaysanaysa gudaha waddankaasi ay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka.
Waxaa uu sidatan ka sheegay kal-fadhiga 80-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay ee UNGA ee lagu qabanaya magaalada New York ee Maraykanka.
Al-Sharaa oo hoggaamiyay xoogaggii mucaaradka ee bishii 12-aad ee sanadkii hore xilka ka tuuray madaxweynihii muddada dheeraa ee Syria Bashaar Al-Assad ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Syria ee ka khudbeeyo fadhiga UNGA ku dhawaad 60 sano.
Waxaa uu xusay in duqeymaha dhanka cirka ee Israa’iil iyo howlgallada militari ay ka mid yihiin caqabadaha uu dalkiisa wajahaya waqti xaadirkan.
Madaxweynaha ayaa ku celceliyay in siyaasadaha Israa’iil ay yihiin kuwo liddi ku ah mowqifka taageeridda Syria ee caalamiga ah.
Waxaa uu xusay in Syria ay diyaar u tahay wada xaajood wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in ay garab istaagto xilligan adag.