Madaxweynaha Suuriya oo booqasho rasmi ah ku tagay Mareykanka

0
65

Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Mareykanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, iyadhoo xukuumadda Washington ay rajeyneyso inay Dimishiq ku darto isbahaysigeeda caalamiga ah ee ka dhanka ah ISIL, ama ISIS.
Imaatinka Al-Sharaa ee caasimadda Mareykanka ayaa timid goor dambe oo Sabtidii ah iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ay ku dhawaaqday inay bilaabayso “howlgal amni oo ballaaran” iyadoo bartilmaameedsaneysa unugyada ISIL.
Al-Sharaa, oo ciidamadiisa fallaagada ah ay xilka ka qaadeen Bashar al-Assad dhammaadkii sannadkii hore, ayaa lagu wadaa inuu Isniinta Aqalka Cad kula kulmo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Waa booqashadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu sameeyo madaxweyne Suuriya tan iyo markii uu xornimada qaatay dalka 1946-kii, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha. Al-Sharaa, oo markii ugu horreysay Trump kula kulmay magaalada Riyadh ee Sacuudiga bishii May ee sanadkan, ayaa laga saaray liiska cunaqabataynta “argagixisada” ee Mareykanka Jimcihii.
Ergayga Mareykanka ee Suuriya Tom Barrack ayaa horraantii bishaan sheegay in al-Sharaa uu “rajeyn doono” inuu saxiixo heshiis uu ku biirayo isbahaysiga caalamiga ah ee uu hoggaamiyo Mareykanka ee ka dhanka ah ISIL.
Xukuumadda Washington ayaa waxaa ay sidoo kale isu diyaarinaysaa inay saldhig milatari ka samaysato saldhigga cirka oo ku yaal Dimishiq si ay gacan uga geysato suurtogalnimada heshiis amni oo uu Mareykanka ka dhex wado Suuriya iyo Israa’iil, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP.