Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed oo baarlamaanka kala diray

0
457

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaa lagu soo warramayaa inuu kala diray baarlamaanka dalkaas.
Waxay tani horseedaysaa in la soo xusho xildhibaano ka kala socdo labada dhinac ee isku haya siyaasadda wadankaas.
Dadka ka faalooda maamul wanaagga iyo ururrada rayidka ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu madaxweyne Salva Kiir ku kala diray baarlamaanka oo ay ku tilmaameen mid waqti hore loo baahnaa.
Heshiis nabadeed oo saddex sano ka hor la saxiixday ayaa waxaa ku cad in qiyaastii afar meelood hal meel xildhibaanada cusub ay ka soo bixi doonaan dhanka Riek Machar halka aqlabiyadda xeer dejiyaasha oo ah 550 ay ka imaan doonaan maamulka talada haya ee SPLM .
Xildhibaanada baarlamaanka Suudaanta Koonfureed ayaan la soo dooran doonin balse waxaa soo magacaabaya xisbiyada siyaasadeed.