Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u fadhin doona dalkeenna Mudane Thomas Kipkosgei Chepkuto.
Danjire Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa dalkaas, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono horumarinta iskaashiga labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taas oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku aaddan xoojinta amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Thomas Kipkosgei Chepkuto u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gacan-siinayso gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna u rajeeyey in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono danaha ay wadaagan labada Jamhuuriyadood ee dariska ah.
H.E @HassanSMohamud has today received credentials from Thomas Kipkosgei Chepkuto, Kenya's new Ambassador to Somalia. The President wished the new envoy success as he embarks on his tour of duty in the country to deepen the strong relations between the two neighboring nations. pic.twitter.com/c9Lj0QQnt6
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) September 8, 2022