Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shirka Qiimaynta Horumarka Nidaamyada Cuntada ee Qaramada Midoobey (UN Food Systems Summit) oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay madashan ayaa soo bandhigay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaallanka cunto-yarida, isbeddelka cimilada iyo horumarinta nidaamyada cunto ee waara.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey in Soomaaliya ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqda iyo isbeddelka cimilada, taas oo horseedday in malaayiin qof ay wajahaan cunto-yari.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in horumarinta nidaamka wax-soosaarka dalagga iyo xoolaha uu yahay lagama maarmaan si looga gudbo duruufaha nololeed.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay qorshaha Dowladda Federaalka ee ku saleysan ee Dib-u-dhiska (National Transformation Plan).
Qorshahan ayaa mudnaanta siinaya horumarinta wax-soo-saarka gudaha, kobcinta dhaqaalaha miyiga, iskaashiga dowladda iyo ganacsatada, dhisidda nidaamyo suuq-geyn ah oo xoojinaya isku xirnaanta beeraleyda, suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay xoojiyaan garab istaagga Soomaaliya, iyagoo taageero siinaya kaabeyaasha wax-soo-saarka, dhaqaalaha cagaaran iyo hirgelinta tiknoolojiyadda casriga ah ee dhanka beeraha si loo abuuro nidaamyo cunto oo dadka Soomaaliyeed ay si buuxda uga faa’iidaystaan.