Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho Sharaf ku saabsan dabbaal-degga 12-ka Abriil ee Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uu ku maamuusay Taliska iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Taliyeyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku bogaadiyey xuskii maalinta loo dabbaaldegayo Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ku bogaadiyey sida nafhurnimada leh ee ay habeen iyo maalinba ugu taagan difaaca dalka, nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.
Madxweynaha ayaa xusay in Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin tiir dhexaadka difaaca dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed,lafdhabarta madaxbannaanida iyo haybadda dowladnimada, Shacabka Soomaaliyeedna ayaga ay ku hurdaan, isagoo ku boorrinayay inay marwalba ku taagnaataan mabdi’da waddaniyadda iyo qarannimada ah, kana fogaadaan afoodii horay Soomaaliya u soo ragaadisay ee Qabyaaladda.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka FS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, Wasiirro ka tirsan XFS, Xildhibaanno ka socday Goleyaasha Barlamaanka, Taliyeyaasha Ciidanka, Xoogga Dalka S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Booliska S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka G/Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, Saraakhiisha Sarsare ee Ciidanka Xoogga iyo Marti Sharaf Kale.