Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku soo wajahan Kenya

0
455

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa Maanta oo khamiis ah ku sii jeeda magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, halkaas oo booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku joogi doono.
Waxaa uu la kulmi doona dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tegi doono Magaalada Nairobi, islamarkaana heshiis ku saabsan dib u fasixida khaadka (jaadka) uu la saxiixan doono Uhuru Kenyata, warkaas oo Villa Soomaaliya ay ka aamustay.
Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqan doono dalalka Itoobiya iyo Kenya, islamarkaana Madaxda dalalkaas uu kala hadlii doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.
Safarkan uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo Magaalada Nairobi ayaa noqonaya kii afaraad oo dibadda ah tan iyo markii Madaxweynaha loo doortay 15-kii bisha Shanaad ee May ee sanadkan, Madaxweynaha ayaa maalin ka dib u buuxsameysa 60 cisho oo uu Xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safarro dibadda ah ku maqnaa.
Tegitaankiisa Madaxweynaha Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ayaa bilow u noqoneysa dib u soo nooleynta xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo labadii sano ee u dambeeyay mugdi galay xiriirkii labada dal oo gaaray heer Safaaradaha lakala rarto, intii uu xilka hayay Madaxweynihii hore Maxamad Cabdullaahi Farmaajo