Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree oo ay argagixisadu ku dishay magaalada Masagawaa ee Gobolka Galguduud.
Madaxweynaha ayaa xusay in falkan bahalnimada ah ee argagixasada Alshabaab ay kula kaceen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qofkasta uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama Khawaarijta Alshabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr iyo tobon sano ay ku dhibaateynayeen dalkeenna.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey muwaadiniinta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, waxa uuna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso.
Waxaa sidoo kale dilalka loo gaystay nabadoonnada ka tacsiyadeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) .
Waxaa uu guddoomiyuhu tacsi u diray qoysaska iyo ehellada nabadoonnadii ku naf waayay weerarkii ay Al-shabaab ku soo qaaday magaalada Masagawaa ee Gobolka Galguduud.
Guddoomiyaha ayaa falkan ku tilmaamay mid fuleynimo ah taas oo Al-shabaab ay ku baneeysaneyso dhiiga shacabka birmo-geydada ah ee aan waxba galabsan isagooona ciidanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in qof kasta kaalin ka qaato sidii dalka looga xoreyn lahaa argagixisada.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe waxaa uu Allah uga rajeeyey inta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkaas inuu siiyo caafimaad degdeg ah.