Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Claahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qaybgalo Shirweynihii 3-aad ee Madaxda Turkiga iyo Afrika kaasoo bari ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Kulankaas oo socon doona laba maalin ayay hogaamiyeyaasha isku arkaya waxay uga arinsan doonaan Arrimaha Siyaasadda, Ammaanka, Iskaashiga, Maalgashiga, Ganacsiga iyo Milliteriga.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo ayaa madaxda madasha ka qaybgalaysa wuxuu la yeelan doonaan kulamo kala duwan oo looga hadlayo arimaha iskaashiga.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaana waxaa ka dhexeeya xiriir aad u qoto dheer oo suuragaliyay in dowlada Turkigu dalka Soomaaliya dhinacyo badan ka taageerto gaar ahaan arimaha dhaqaalaha,hormarinta bulshada gargaarka binu aadanimada iyo arinta ugu muhiimsan ee dhanka amaanka ayadoona dolwada Turkigu ay Soomaaliya u tababartay kumaan ka mid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya kuwaasoo suuragaliyay in Soomaaliya ay markale samaysato ciidamo cudud muuqata leh burburkii ka dib.
13 Madaxweynayaal Afrikaan ah ayaa xaqiijiyey inay ka qeyb geli doonaan Shirweynahaan 3-aad ee ay Madaxweynayaasha Turkiga iyo Afrikaanka yeeshaan.
Wafuud ka kala socota 39 Waddan ayaa lagu casuumay Shirka oo ku soo beegmay, xilli aad loo iibsanayo Diyaaradaha Droneska Hubeysan ee Turkiga lagu farsameeyo.
Madaxtooyada Turkiga ayaa fidisay Casuumadda Shirkaas oo ka dhici doono Xarunta Shirarka ee Istanbul Congress Center.
Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa la filayaa inuu Khudbad ka jeediyo Kulan Madaxeedka, iyadoo Turkiga u ololeynayso in Suuq loo helo Diyaaradaha Darooniska iyo Qalabka Milliteri ee ay Shirkadaha Turkiga sida xawliga ah u soo saaran.
Bishii October ee la soo dhaafay, Madaxweyne Erdogan waxuu tilmaamay inay Dowladaha Afrika danaynayaan inay iibsadaan Darooniska Turkiga ee Baykar.
Wargeyska Daily Sabax ee ka soo baxa Turkiga waxa uu qoray in Dufcadii u horeysay ee Diyaaradaha Darooniska ay danaynayaan dalal ay ka mid yihiin Somalia, Morocco iyo Tunisia oo ay Turkiga ku leeyihiin Saldhigyo Milliteri.