Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Hosbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaratka ee galabta ku dhawaacmay falka argagaxa leh ee ka dhacay Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta.
“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”
Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faray Laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.
“Dawladda iyo Shacabka walaalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”.
Toogashada ayaa ka dhacday Xerada Ciidanka Janeraal Gordan ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen ugu yaraan 5 ka mid ah saarakiil ka soo jeeda Imaaraatka Carabta.
Saraakiisha la toogtay ayaa ahaa tababarayaasha xerada ciidanka Goordon, ka dib markii askari hubaysan oo ka mid ahaa ilaalada xarunta uu rasaas la beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiishan.
Askariga uu asna markii dambe laga takhalusay ayaa ka mid ahaa Ciidamada amniga Xerada gacanta ku haya, wuxuu ka mid ahaa Guutada 28-aad ee lagu soo tababaray dalka Uganda oo ahaa ciidankii u dambeeyay ee lagu soo tababaray Uganda.
Tirada dhaawaca ayaa kor u dhaafeysa 10 askari, waxaana ku jira Col. Maxamad Mubaarak oo ah sarkaalka ugu sarreeya Saraakiisha Imaaraadka ee ka howlgalayay xerada Janeraal Gordon.
Hasa ahaate markii dambe uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in falkaasi iyagu ka dambeeyeen.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya oo isbitaalka digfeer ku booqday saraakiishii ku dhaawacmay weerarkii xerada...