Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland, iyada oo si wayn halkaasi loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku xigeenkiisa, Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Garoowe oo labo maalin qaadan doona ayaa ujeedkiisa waxaa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland iyo sidii xal looga gaari lahaa tabasho ay qabaan madaxda Puntland.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan la qaadan doona madaxda sare ee Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana Maanta si wayn loo adkeeyay Amniga Magaalada Garoowe.