Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa shaaciyay in maalinta Talaadada ah ee soo aaddan uu qabsoomi doono kulanka ugu horreeya ee xildhibaannada Golaha Wakiillada ee dhawaantan la soo doortay.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa bayaan uu goordhaweyd soo saaray waxa uu isugu yeeray Golaha Wakiillada Cusub, arrintaas oo daba socotay go’aankii Maxkamadda Sare ee Somaliland ay 7-dii bishii tagtay ee July ku ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada.
Madaxweynaha Somaliland oo haystay muddo 30 cisha ah oo dastuuri ah oo ka soo bilaabanaysay 7-dii bishii July ayaa leh awoodda shaacinta marka la qabanayo kulanka ugu horreeya ee xildhibaannada golaha Wakiillada, markaas oo la dhaariyo mudayaasha, isla maalintaasna ay iska dhex-doortaan shir-guddoonkooda.
Waxaana kulanka ugu horreeya ay xildhibaanadu yeelan doonaan maalinta Talaadada ah.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Somaliland oo shaaciyay kulanka ugu horreeyay ee Golaha Wakiilada