Waxaa uu qorshuhu yahay in toddobaadkan gudihiisa uu madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping safar rasmi ah ku tago boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Waxaa uu kulan lagu xoojinaya xiriirka labada dhinac la yeelan doonaa boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcaziiz Al Saud .
Xi Jinping ayaa halkaasi ku sugnaan doono muddo saddex cisho ah.
Safarka madaxweynaha Shiinaha ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee uu tan iyo sanadkii 2016-kii ku tago Sacuudi Carabiya.
Wakaaladda wararka ee SPA ayaa qortay in boqor Salmaan uu casuumay hoggaamiyaha Shiinaha
Waxay intaasi ku dartay in labada dhinac ay ugu horreyn saxiixan doonaan heshiisyo ku kacaya 29.26 bilyan oo doolar.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa bayaan ay saaka soo saartay ku xaqiijisay socdaalka madaxweynaha dalkaasi uu ku gaaraya Sacuudi Carabiya.




