Madaxweynaha Rwanda oo taageeray musharraxnimada Raila ee AU-da

0
242

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ku taageeray musharraxnimadiisa xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Kagame oo wareysi siiyay telefishinka NTV, ayaa sheegay in Raila uu waxqabad muujiyay xilligii uu ahaa wakiilka sare ee Midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha sidaasi awgeedna uu u qalmo hoggaaminta guddiga Midowga Afrika.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay Mr. Odinga guul u rajeynayaan oo ay taageero buuxda siinayaan.