Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in soo jeedin ay u gudbiyeen hoggaamiyaasha qaaradda Afrika lagu saleyn karo geeddisocodka nabadgalyada ee dagaalka ay xukuumadda Moscow weli ka wado gudaha Ukraine.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay in weerarrada uga imaanaya dhanka Kyiv ay in colaadda la joojiyo ka dhigayaan arrin aan suuragal ahayn.
Arrintan ayuu Putin ka sheegay magaalada Moscow ka dib markii uu madaxda Afrika kula kulmay Saint Petersburg isagoo ka dhageystay baaqooda ku aaddan soo afjaridda duullaanka militari.
In kastoo qodobbada ay hoggaamiyaasha Afrika ku taliyeen aan si faahfaahsan loo shaacin , wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa inay doonayaan in meesha laga saaro amarkii ka soo baxay maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ee ku aaddanaa in la xiro Vladimir Putin.