Madaxweynaha Ruushka oo eedeyn u jeediyay Ukraine

0
369

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa dowladda Ukraine ku eedeyay daandaansi wayn.
Xukuumadda Moscow ayaa hoosta ka xarriiqday in ay ka falcelinaysa weerar lagu soo qaaday gobolka Koonfurta Galbeed ee Kursk .
Guddoomiyaha gobolkaasi Alexey Smirnov ayaa sheegay inuu soo rogay xaalad degdeg ah iyadoo labadii cishe ee ugu dambeeyay uu halkaasi ka socdo dagaal culus.
Wasaaradda caafimaadka ee Ruushka ayaa sheegtay in shalay la dhaawacay 31 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan 6 carruur ah.
Smirnov ayaa intaasi ku daray in maalintii ka sii horreysay 5 qof la dilay .