Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaah Deni ayaa xilkii ka qaaday taliyihii gadoodsanaa ee ciidanka kumaandooska Puntland ee Danab, Kornayl Jimcaale Jaamac Takar.
Kornayl Jimcaale ayaa ahaa sarkaalka hoggaaminayay ciidamada mucaaradka ee ka soo horjeeda doorashada iyo furitaanka dastuurka Puntland.
Xil ka qaadistiisa waxay qayb ka ahayd wareegtooyin badan oo xalay goor dambe ka soo baxay madaxtooyada Puntland, kuwaas oo isugu jiray xil ka qaadis iyo magacaabid.
Madaxweyne Deni ayaa xilkan u magacaabay G/Dhexe Qaasim Jaamac Shire, oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha horay ula soo shaqeysay kornaylka lagu beddelay ee Jimcaale.
Lama oga sarkaalka xilka laga qaaday inuu aqbali doono xil ka qaadistiisa, inkastoo sarkaalkan iyo ciidamadiisu ay isku magacaabeen ciidamo madax bannaan oo la magac baxay Danab.
Tallaabadan uu qaaday madaxweyne Deni ayaa ku soo beegantay, iyadoo weli ay taagan tahay xiisad colaadeed oo ka dhex jirta madaxweyne Deni iyo Kornayl Jimcaale.
Taliyaha xilka laga qaaday ayaa dhawaan Garoowe kula dagaalamay ciidanka Puntland. Haatan weli ciidankiisu waxay ku sugan yihiin xero ciidan oo lagu magacaabo Ligle oo ku taalla duleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Garoowe.
.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday taliyihii gadoodsana ee ciidanka Danab