Madaxweynaha oo xariga ka jaray isbitaalka Kerugoya

0
166

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray isbitaalka guud ee magaalada Kerugoya ee ismaamulka Kirinyaga.
Waxaa madaxweynaha wehelinayay mas’uuliyiin ay ka mid tahay barasaabka dowlad deegaankaasi Anne Waiguru.
Waxay Waiguru hoosta ka xarriiqday in shacabka ay isbitaalka heerka 5-aad ee magaalada Kerugoya ka heli doonaan adeegyada caafimaadka ee gaarka ah.
Waiguru ayaa intaasi ku dartay in xaruntan caafimaad ay ka koobnaan doonto 356 sariirood oo la rajeynaya inay yareyso ciriiriga bukaanka ee Kirinyaga.