Madaxweynaha oo waaxyaha dowladda ugu baaqay inay wada shaqeeyaan

0
206

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa waaxyaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda ugu baaqay inay si dhow u wada shaqeeyaan si loo wanaajiyo maamul wanaagga.
Arrintan ayuu ka sheegay xaflad maanta ka dhacday xarunta madaxtooyada dalka oo xilka agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS loogu dhaarinayay Nuurdiin Xaaji.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabada ugu muhiimsan ee laga doonaya waaxyaha dowladda dhexe ay tahay inay is kaashadaan si ay kenyaanka ugu adeegaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay qasab tahay in go’aammada dowladda ay noqdaan kuwo xog ku saleysan oo aan sal ku lahayn siyaasadeyn iyo fulinta dano gaar ah.