Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu tacsi u diray shacabka iyo dowladaha Turkiga iyo Syria oo uu dhul gariir saameeyay.
Ruto ayaa sheegay in dowladda iyo dadweynaha Kenya ay murugada la qaybsanayaan ehellada ay dadkooda ku dhinteen dhacdooyinkaasi.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay dhul gariirka.
Tirada dadka ee ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhul gariirka ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Syria ayaa ah ugu yaraan 5,021 qof.
Our hearts go out to the people of Türkiye and Syria following the loss of life caused by the earthquake. We mourn with families who have lost loved ones and wish all those injured a quick recovery.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) February 7, 2023