Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta walaac ka muujiyay inay jiraan dhowr ka mid ah wasiirrada dowladda dhexe iyo xoghayeyaashooda oo u muuqdo kuwo aan si buuxda ula socon waxyaabaha ka taagan wasaaradaha ay hoggaamiyaan.
Madaxweynaha ayaa arrinkan carrabka ku adkeeyay xilli uu ka hadlayay munaasabad maanta ka qabsoontay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
Wasiirrada , xoghayeyaasha joogtada ah iyo madaxda hay’adaha dowladda ayaa halkaasi ku saxiixay heshiiska waxqabadkooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la hadlo xoghayeyaal badan oo uu su’aallo ka waydiiyo wasaaradahooda balse aynan ka war qabin arrintan uu ka wareysanaya.
Tani ayuu ku tilmaamay heerka ugu sarreeya ee waxqabad xumada isagoo tilmaamay inaynan suurtagal ahayn in qofka uu hoggaamiyo meel uunan ka war hayn waxa ka dhex socdo.
Waxaa uu mas’uuliyiintan ku boorriyay inay akhriyaan warbixinnada looga soo gudbiyo waaxyaha kala duwan ee wasaaradaha dowladda dhexe si ay u qaataan go’aamo sax ah.
Ruto ayaa xusay inuu qudiisa wax akhrin sameeyo si go’aammada uu dhaqangelinaya ay u noqdaan kuwo ku saleysan xog sax ah.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu shaqaalaha dowladda kula xisaabtamaya waxqabadkooda.
Waxaa uu dhanka kale uga digay ku lug lahaanshaha musuqmaasuqa iyo inay ka gaabiyaan gudashada waajibaadka loo igmaday.
Signing of Performance Contracts by Cabinet Secretaries, State House, Nairobi. https://t.co/e3CyiVr6dy
— State House Kenya (@StateHouseKenya) August 1, 2023
𝐖𝐄 𝐌𝐔𝐒𝐓 𝐏𝐑𝐎𝐓𝐄𝐂𝐓 𝐏𝐔𝐁𝐋𝐈𝐂 𝐑𝐄𝐒𝐎𝐔𝐑𝐂𝐄𝐒
President @WilliamsRuto has said he will protect public resources with zeal.
He noted that it will not be business as usual to public servants with affinity to abuse public resources.
The Head of State regretted that… pic.twitter.com/sJwjO3FZeJ
— State House Kenya (@StateHouseKenya) August 1, 2023