Madaxweynaha oo magacaabay guddoomiyaha guddiga webiyada Nairobi

0
208

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xildhibaanaddii hore ee deegaanka Starehe Margaret Wanjiru u magacaabay guddoomiyaha cusub ee guddiga webiyada Nairobi.
Waxay Wanjiru beddelaysa Pamela Olet oo xilkan haysay.
Barasaabkii hore ee ismaamulka Kiambu ,Ferdinand Waititu oo horay uga tirsanaa guddigan ayaa lagu beddelay Millicent Omanga.
Madaxweyne William Ruto ayaa magacaabiddan cusub ku shaaciyay wargeyska rasmiga ee dowladda oo ku taariikhaysan 25-kii bishan Tobnaad.
Guddoomiyaha iyo xubnaha guddigan ayaa laga doonaya in ay xalliyaan caqabadaha dhanka caafimaadka ee muddada dheer soo jiray ee ka dhasha in la wasaqeeya webiyada Nairobi.
Waxaa sidoo kale guddigan xubno ka ah xeel dheerayaasha dhanka deegaanka , saraakiisha dowladda iyo daneeyayaasha arrimaha bulshada sida Dr. Mumo Musuva oo ku takhasusay sayniska deegaanka iyo John Kioli oo u ololeeya horumarka waara ee magaalooyinka waawayn.