Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta ismaamulka Kirinyaga ka daahfuri doono mashruuca guriyeynta .
Hoggaamiyaha wadanka ayaa sidoo kale si rasmi ah u furaya isbitaalka guud ee magaalada Kerugoya ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa arrinkan warbaahinta u xaqiijiyey xoghayaha saxaafadda ee madaxtooyada dalka Emmanuel Talam.
Barasaabka ismaamulka Kirinyaga ,Anne Waiguru ayaa sidoo kale qoraal ku xaqiijisay oo soo dhaweysay tallaabada uu madaxweynaha wadanka maanta halkaasi uga daahfuri doono mashaariicda horumarineed.
Waxay Waiguru hoosta ka xarriiqday in shacabka ay isbitaalka heerka 5-aad ee magaalada Kerugoya ka heli doonaan adeegyada caafimaadka ee gaarka ah.
Waiguru ayaa intaasi ku dartay in xaruntan caafimaad ay ka koobnaan doonto 356 sariirood oo la rajeynaya inay yareyso ciriiriga bukaanka ee Kirinyaga.