Madaxweynaha oo loogu baaqay inuu isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa wasiirrada

0
211

Baadariga kaniisadda All Saints Cathedral, Evans Omollo ayaa madaxweynaha dalka William Ruto kula taliyay inuu isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa wasiirrada.
Waxaa uu ku boorriyay inuu shaqooyinka ka joojiyo qaar ka mid ah wasiirrada oo uu sheegay inaynan waxqabad buuxa muujin.
Omollo ayaa hoosta ka xarriiqay in la joogo xilligii uu madaxweynaha wadanka qaadan lahaa go’aan geesinnimo leh oo uu sidii hore ku soo celin lahaa xaaladda dhaqaale ee dalka.
Baadariga ayaa xusay inay jiraan wasiirro u muuqdo inaynan fahansanayn waajibaadka shaqo ee loo igmaday sidaasi awgeedna ay tahay inay xafiisyada baneeyaan.