Madaxweynaha oo ku baaqay in la dhimo qiimaha adeegga intarneetka

0
286

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shirkadda intarneetka ee Starlink ee uu leeyahay bilyaneerka lagu magacaabo Elon Musk ugu baaqay inay ka shaqeyso sidii adeegyada intarneetka ee gudaha wadanka ay u noqon lahaayeen kuwo lagu heli karo qiimo hoose.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu booqday xarunta warshadda SpaceX ee maamusho Starlink oo ku taalla magaalada Los Angeles ee Maraykanka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in shirkaddan ay awood u leedahay inay caalamka u fidiso adeegyo intarneet oo wanaagsan si loo horumariyo dhaqaalaha casriga ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in maalgashigeeda gudaha wadanka uu sare u qaadi karo in intarneet xawaare sare leh la gaarsiiyo tuulooyinka fog , dugsiyada iyo xarumaha kale ee guud ahaan wadanka.
13-kii bishan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto u ambabaxay Maraykanka wuxuuna halkaasi mas’uuliyiinta kula yeelanaya kulmo kala duwan.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale shirkadda tiknolojiyadeed ee Apple uga mahadceliyay inay diyaar u tahay inay dowladda dalka garab ku siiso sidii loo kobcin lahaa hal-abuurka iyo ganacsiyada billowga ah.
Tani ayaa timid ka dib markii uu magaalada San Francisco ee Maraykanka uu kula kulmay madaxa fulinta ee Apple, Tim Cook.