Madaxweynaha oo joojiyay in la kala qaybiyo mashruuca Galana Kulalu

0
84

Madaxweynaha dalka William Ruto oo bayaan soo saaray ayaa amray in aan lagu tallaaba qaadin qorsho la doonayay in lagu jaangooyo degmooyinka laga fulinaya mashruuca Galana Kulalu.
Barnaamijkan oo ay dowladda doonaysa inay sare ugu qaado wax soo saarka cunnada ayaa lagu waday in laga hirgeliyo ismaamullada Kilifi iyo Tana River ee gobolka Xeebta.
Waxaa uu madaxweynaha dhanka kale amray in dib loo soo celiyo mashruucii waraabinta beeraha ee Galana Kulalu si laga billaabo bisha labaad ee sanadkan loo guda galo soo saaridda galleyda.
Go’aankan ayuu madaxweynaha qaatay ka dib socdaal ay sameeyeen isaga iyo madaxda ismaamullada.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu diyaar yahay barnaamij ay iska kaashanayaan waaxyaha dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay oo lagu waraabinaya dhul ah ilaa 10,000 oo eekar.
Mashruuca cunno soo saaridda ee Galana Kulalu oo ay dowladda billowday toddobo sano ka hor ayaa loo qoondeeyay 7.2 milyan oo shilin in kastoo uu dib ka hakaday.