Madaxweynaha oo fasaxay in booliiska Kenya ay u safraan Haiti

0
325

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa daahfuray munaasabad sagootin ahna u qabtay 400 oo ka mid ah ciidamada booliiska ee Kenya oo berri u ambabaxaya dalka Haiti.
Bishii Toddobaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay Kenya sheegtay in ay diyaar u tahay in 1,000 ka mid ah saraakiisheeda ammaanka ay gayso Haiti oo ay hoggaamiso howlgalka nabad-sugidda ee dalkaasi.
Xukuumadda Washington ayaa horraan ballan qaaday in ay howlgalka nabad-sugidda ee wadanka Haiti ku taageeri doonto ilaa 100 milyan oo doolar una dhiganta 13 bilyan oo shilin.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay si wayn u garab taagan tahay Haiti oo ayna diyaar u tahay in ay doorkeeda ka qaadato qaraarkii nabadsugidda dalkaasi ee uu ansixiyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee sanadkii hore kaasi oo uu tirsigiisu ahaa 2699.
Dalka Haiti ayaa waxaa tobaneeyo sano ka taagan rabshado isugu jiro dilal baahsan , afduub iyo lacago baad ah oo ay qaadanayaan kooxo hubeysan oo ay dagaal kula jiraan ciidamada wadankaasi.
Horraantii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayay ahayd markii golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu ansixiyay in Haiti loo diro howlgal nabadsugid oo ay ka qayb qaadanayaan dalal ay Kenya hoggaaminaysa si booliiska Haiti garab loogu siiyo inay ka adkaadaan kooxaha hubeysan.