Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maamullada jaamacadaha wadanka ugu baaqay inay xoogga saaraan arrimaha cilmi baarista iyo hal-abuurka.
Tani ayuu sheegay inay kaalin wayn ka qaadan karto xallinta caqabadaha hadda taagan.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa tilmaamay in xarumaha sare ee tacliinta laga doonaya inay sameeyaan cilmi baaris xal u noqon karto dhibaatooyinka ka jiro qaaradda Afrika.
Waxaa uu intaasi ku daray in hal-abuurka oo sare loo qaado ay horseedi karto in kobcinta dhaqaalaha wadanka lagu saleeyo aqoon iyo farsamo tiknolojiyadeed.