Madaxweynaha oo ammaanay waxqabadka safiiradda Ingiriiska ee xafiiska banneynaysa

0
202

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa danjiraha Ingiriiska ku matalaysay Kenya ee xafiiska banneynaysa Jane Mariott ku amaanay inay door muhiim ah ka qaadatay wanaajinta xiriirka labada waddan.
Muddo xileedka Mariott ayaa ku eg bisha Toddobaad ee sanadkan.
Bayaan uu soo saaray Ruto ayuu danjiraha ku tilmaamay inay saaxiib dhow la ahayd Kenya isagoo guul u rajeeyay mustaqbalka.
Ms. Marriott ayaa waxaa beddelaya Desmond Patrick Neil Wigan oo tan iyo sanadkii 2019-kii ahaa safiirka Ingiriiska ee Israa’iil.