Madaxweynaha dalka Nigeria ,Bola Axmad Tinubu ayaa amar ku bixiyay in dib loogu yeero dhammaan safiirrada wadankaasi ku matalo dalalka caalamka.
Afhayeenka madaxtooyada Nigeria Ajuri Ngelale ayaa sheegay in amarkan uu si degdeg ah u dhaqan galaya.
Ujeeddada laga leeyahay go’aanka madaxweynaha ayuu ku sheegaya wanaajinta waxqabadka danjireyayaasha iyo sare u qaadidda xiriirka Nigeria kala dhexeeya dunida inteeda kale.
Hasa ahaate waxaa bayaanka ku cad in safiirrada Nigeria u fadhiya magaalooyinka New York iyo Geneva aan loo yeerin maadaama dabayaaqada sanadkan uu kulan yeelanaya golaha guud ee qaramada midoobay ee (UNGA).