Madaxweynaha xafiiska banneynaya ee dalka Nigeria Muxammadu Buhari ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ka codsaday in aynan carqaladeyn howlaha guddiga doorashooyinka oo ah mid qaran oo madax bannaan loona soo gaabiyo INEC.
Waxaa uu Buhari xusay in natiijada uu guddiga shaaciyay ee muujinaysa in loolanka madaxtinnimo uu ku soo baxay Bola Tinubu ay astaan u tahay inay sii xoogeysanaysa dimuqraadiyadda wadankaasi.
Buhari ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay in codadka iyo dadka dhiibta aan la fududeysan karin .
Tartanka siyaasadeed ayuu tilmaamay inuu u wanaagsan yahay dimuqraadiyadda Nigeria.
Waxaa uu sheegay in uunan shaki ku jirin in go’aanka dadweynaha laga dheehan karo natiijada doorashada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mucaaradka Nigeria ay sheegayaan inay maxkamadda geyn doonaan dacwad ka dhan ah natiijada maadaama ay ku doodayaan in wax isdaba marin ay jirtay.
Hasa ahaate Muxammadu Buhari ayaa soo jeediyay in cid kasta oo aan ku qancin geeddisocodka doorashada ay xor u tahay ina caddeymaheeda soo bandhigto.
Waxaa uu xusay in haddii dibadbax laga sameeyo waddooyinka aynan dan guud ku jirin balse lagu fushanaya dano gaar ah.