Madaxweynaha Maraykanka oo saxiixay hindise dhaqaale

0
88

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay hindise sharciyeed uu horay u meel mariyey golaha wakiillada.
Tani ayaa horseedaysa dhaqaale lagu maalgelinaya howlaha waaxyaha dowladda Maraykanka oo uu hakad ku yimid.
Waxaa hindisahan horay ugu codeeyay 222 wakiillo ah.
Trump ayaa codeyntaasi ku tilmaamay guul wayn oo ay Maraykanka u soo hooyeen siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in shaqaalaha federaalka oo ah qiyaastii 670,000 qof ay shaqooyinkooda dib ugu laaban doonaan maanta ka dib 43 cishe.