Madaxweynaha Maraykanka oo maanta ka hadli doono duullaanka Ruushka ee Ukraine

0
312

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in maanta isaga oo ku sugan aqalka cad uu  faahfaahin ka bixiyo howlgallada militari ee ay dowladda Ruushka ka wado gudaha dalka Ukraine.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo xukuumadda  Washington ay gabagabeynayso  qorsho ay hub ugu taageerayso  ciidamada difaaca ee Ukraine.

Wakaaladda  wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in Biden uu sharraxaad ka bixin doono  halka ay marayaan dadaallada iyo  taageerada  uu maamulkiisa siinaya  Ukraine.

Toddobaadkii hore ayay  ahayd markii dowladda Maraykanka ay shaacisay inay dalka Ukraine u fidin doonto  garab istaag  dhinaca gaashaan dhigga ah oo ku kacaya  800 oo milyan oo doolar.