Madaxweynaha Maraykanka oo la kulmaya dhigiisa Afghanistan

0
578

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu Jimcada shir la qaato dhigiisa wadanka Afghanistan Ashraf Ghani.
Kulanka ayaa ka dhici doono aqalka cad ee xukuumadda Washington looga arrimiyo.
Waxaa kulanka sidoo kale ka qayb geli doono guddoomiyaha golaha sare ee Afghanistan u qaabilsan dib u heshiisiinta Cabdullah Cabdullah.
Waxaa shirka diiradda lagu saari doonaa tallaabada uu Maraykanka ciidamadiisa kaga saaraya Afghanistan iyo dagaallada u dhexeya ciidamada ammaanka ee Afghanistan iyo kooxda ka soo horjeeda ee Taalibaan oo sare u kacay.