Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu berri safar ku tago Israa’iil.
Waxaa arrinkan xaqiijiyay xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.
Mas’uulkan ayaa sheegay in Biden uu xoogga saari doono in Israa’iil ay xaq u leedahay mas’uuliyadna ka saaran tahay inay iska difaacdo ururka Xamaas ee dalka Falastiin.