Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa ku kulmay magaalada Busan ee Kuuriyada Koonfureed, iyadoo ay jiraan khilaafyo ganacsi.
Trump ayaa sheegay in kulankaasi oo qaatay hal saac iyo 40 daqiiqo uu ahaa guul wayn oo ay labada hoggaamiye ku heshiiyeen ku dhawaad wax kasta.
Wuxuu intaasi ku daray inuu tagi doono Shiinaha bisha Afaraad ee sanadka dambe ka dibna uu madaxweynaha Shiinaha u soo safri doono Maraykanka.
Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo Xi Jinping aynan ka wada hadlin arrimaha jasiiradda Taiwan.
Labada madaxweyne ayaa isku afgartay in ay ka wada shaqeeyaan xaaladda dalka Ukraine oo uu duullaan militari ku hayo Ruushka.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in hadda ay tahay xilli habboon oo uu Maraykanka dib u billaabi karo tijaabinta hubka nukliyeerka maadaama sida uu hadalka u dhigay dalal kale ay taasi guda galeen.
Dhankiisa, madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ammaanay waxa uu ku tilmaamay “horumar dhiirigelin leh” oo ay gaareen wufuudda Shiinaha iyo Maraykanka ee wada hadallada ganacsiga toddobaadkii hore.
Xiisadda ayaa cirka isku shareertay horraantii bishan, iyadoo Trump uu ku hanjabay inuu canshuuro ka qaadi doono alaabada Shiinaha ilaa boqolkiiba 100 ka dib markii Beijing ay xayiraado cusub oo caalami ah ku soo rogtay macdanta dhulka ee naadirka ah, kuwaas oo muhiim u ah tignoolajiyada casriga ah.
Trump ayaa laga soo xigtay in arrintii ganacsiga ee macdanta dhulka ee naadirka ah la xalliyey in kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Wuxuu sheegay in si degdeg ah Maraykanka uu u yareyn doono canshuurta horay loogu soo rogay dhammaan badeecooyinka Shiinaha.
Wuxuu sidoo kale dowladda Shiinaha uga mahadceliyay in ay shaacisay inay iibsan doonto digirta Maraykanka ee Soya Beans.




