Madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa Axadii shaqada ka ceyriyay wasiirka shaqada Ken Kandodo ka dib markii la ogaaday in hanti dhan 800 oo doolar oo loogu tala galay la dagaalanka cudurka Covid-19 uu u weeciyay dhanka safar dibadda ah.
Khudbad qaran oo uu ka jeediyay talefishanka dalkaas ayuu Mr. Chakwera ku sheegay in isla xisaabtan la sameeyay lagu ogaaday in wasiirka uu lacagahaasi u adeegsaday safar uu ku tagay dalka Koonfur Afrika.
Madaxweynaha ayaa sheegay in golahiisa wasiirada ay ka mid noqon doonin shakhsiyaad wax isdaba marin ku sameeya lacagaha loogu tala galay mashaariicda kala duwan.
Madaxweyne Chakwara ayaa sidoo kale amray in la soo xiro tiro ka mid ah shaqaalaha dawladda.
Dadkan ayaa lagu eedeyay in si aan caadhi ahayn ay ku heleen lacag dhan 7.8 milyan oo doolar oo loogu tala galay in wax looga qabto cudurka COVID-19.