Madaxweynaha Malawi oo iska fogeeyay eedaymo loo so jeediyay

0
344

Madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa ka jawaabay dhaleecayn ku aaddan gabadhiisa oo uu xil u magacaabay, wuxuuna iska fogeeyay inuu wax nin jeclaysi la xiriira uu sameeyay.
Waxaa lagu eedeeyay inuu si eexasho u magacaabay innantiisa, balse wuxuu warfidiyeenka u sheegay in magacaabista gabadhiisa ee wakiilka sare ee dalka Malawi u fadhiya magaalada London ee boqortooyada Ingiriiska uusan wax shaqo ah ku lahayn.
Waxaa uu sheegay inuusan marna howshan ku lug yeelan sidoo kalena eedeymaha loo jeedinaya ay yihiin kuwa aan xaqiiqada ku salaysnayn.
Madaxweynaha Malawi ayaa tilmaamay in gabadhan ay hadda dhaleecayntu ka taagan tahay xilka ay hayso ay noqonayso qofka kaliya ee xil rasmi ah oo dowladeed haya , 4 carruur oo uu dhalay.
Hoggaamiyaha Malawi ayaa sheegay in cabashooyinka ka dhashay magacaabista haweenaydan ay dabada ka riixayaan arrimo siyaasadeed sida uu hadalkiisa u dhigay.