Madaxweynaha Lubnaan oo qabtay shir degdeg ah iyadoo weerarada Israa’iil ay sii xoogeysanayaan

0
532

Madaxweynaha Lubnaan ayaa shir amni oo heer sare ah guddoomiyay, iyadoo weerarada Israa’iil ay sii xoogeysanayaan isla markaana dad badan ay ka barakacayaan gudaha dalka.
Afhayeen u hadlay madaxtooyada Lebanon ayaa sheegay in shirka uu madaxweyne Michel Aoun uu guddoominayey, laguna falanqeeyay xaaladda amniga dalka oo dhan, gaar ahaan kororka dhimashada iyo barakaca dadka.
Shirka ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda xuduudka Suuriya iyo sidii loo xaqiijin lahaa amniga iyo xasiloonida xuduudaha, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ammaanka ay noqdaan kuwo diyaar u ah xilliga Ciidda soo socota.
Madaxtooyada ayaa sidoo kale tilmaantay baahida loo qabo in la diyaariyo hoy dheeri ah oo loogu talagalay dadka barakacay, si ay ugu noolaadaan sharaf iyo karaamo.