Madaxweynaha Lebanon oo ku howlan wadatashi uu ku soo magacaabaya ra’iisul wasaare

0
561

Madaxweynaha dalka Lubnaan Michel Aoun ayaa guda galay wada hadalo uu kula tashanaya baarlamaanka si uu u soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub.
Kulamadan ayaa abaare 10:30 barqanimo ee saacadda dalkaasi ee maanta ka billowday qasriga Baabda Palace.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ay socon doonaan ilaa galinka dambe.
Waxaa la filayaa inuu aqlabiyadda codadka baarlamaanka helo Najib Mikati oo ah bilyaneer horay u soo noqday ra’iisul wasaaraha Lubnaan.