Madaxweynaha dalka Lebanon Joseph Aoun ayaa sheegay in aan lagula degdegi doonin in hub ka dhigis lagu sameeyo ururka Xisbullah ee waddankaasi.
Waxaa uu sheegay in arrintaasi aynan ahayn tallaabo fudud.
Waxaa uu tani u aaneeyay duqeymaha joogtada ah ee uu wado militariga Israa’iil ee gudaha Lebanon iyo ku xadgudubka heshiiskii xabbad joojinta ee bishii 11-aad ee sanadkii hore.