Madaxweynaha Kuuriyadda Koonfureed oo lagu wado inuu la kulmo Trump

0
376

Madaxweynaha Kuuriyadda Koonfureed Lee Jae-myung ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kasoo ah kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan labada mas’uul.
Kulankooda ayaa daba socdaa heshiis ganacsi oo ay wadagaareen labada dal bishii July ee sanadkan taasoo Xukuumadda Washington ay ku dhawaaqday inay hoos u dhigeyso canshuuraheeda badeecadaha laga soo dejiyo Kuuriyadda Koonfureed ila iyo 15 boqolkiiba.
Kulanka ayaa muhiim u ah Kuuriyada Koonfureed, oo xiriirkeeda maamulka Trump uu carqaladeeyay qalalaasaha siyaasadeed ee gudaha, taas oo ka dhalatay ku dhawaaqis kooban oo uu madaxweynihii hore ee dalkaas Yoon Suk Yeol uu militariga dalkaas awood buuxda ku siiyay.
Wadahalka ayaa diiradda lagu saari doonaa sifeynta faahfaahinta heshiiska ganacsiga ee July kaas oo ku lug leh Kuuriyada Koonfureed oo ogolaatay inay iibsato 100 bilyan oo doolar oo ah tamarta Maraykanka ayna ku maalgeliso 350 bilyan oo doolar dhaqaalaha Maraykanka.