Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi oo sheegay inay ku tallaabsadeen horumar militari

0
370

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi , Kim Jong Un ayaa arrin lagu farxo ku tilmaamay in dalkiisa uu gaaray horumar dhaqaale iyo mid militari.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu si rasmi ah u furay shirweynaha sanadlaha ee xisbiga wadankaasi hoggaamiyo.
Wakaaladda wararka ee KCA ayaa ku warramaysa in madaxweyne Kim uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabo ay ku guulaysteen muddo sanad ah.
Waxaa uu saraakiisha dowladda ugu baaqay inay dadaalkooda sii laba jibbaaraan.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa intaasi ku daray inay sidoo kale gaareen horumarro siyaasadeed.
Shirweynaha sanadkan ayaa ku soo beegmay iyadoo xukuumadda Pyongyang ay 2022-ka tijaabisay tiradii ugu badnayd ee gantaallada riddada dheer ee (ICBMs).