Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi oo amray xoojinta nukliyeerka wadankaasi

0
250

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ,Kim Jong Un ayaa bixiyay amar sare loogu qaadaya tayada hubka nukliyeerka ee dalkiisa.
Waxaa uu amray in la soo saaro hubka riddada dheer ee u kala gudba qaaradaha ee (ICBM).
Tallaabadan ayuu Kim Jong Un ku sheegay mid la iskaga difaacaya dowladaha Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.
Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale sheegay inay qorsheynayaan adeegsiga dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee loo isticmaalaya arrimaha basaaska militari.
Amarka madaxweynaha ayaa yimid saacado un ka dib markii xukuumadda Pyongyang ay mid ka mid ah gantaallada riddada gaaban ku tuurtay dhanka xeebta bari iyadoo awoodeeda muujinaysa.