Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo safar ku tagaya Ingiriiska

0
280

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol oo ay wehelinaysa marwada koowaad ee wadankaasi Kim Keon Hee ayaa waxaa maanta boqortooyada Ingiriiska uga billaabanaysa booqasho rasmi oo saddex cishe ah.
Waxaa halkaasi ku qaabili doono boqorka UK King Charles III.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed iyo Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ay ka wada hadlaan oo ay saxiixdaan heshiisyo lagu xoojinaya iskaashiga ka dhexeya dalalkooda.
Waxaa wada hadallada diiradda lagu saari doonaa arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga sida ay shaacisay dowladda UK.
Sidoo kale madaxweyne Yoon ayaa inta uu halkaasi ku sugan yahay khudbad u jeedin doono baarlamaanka Ingiriiska isagoo xoogga saari doono cilaaqaadka labo geesoodka ah.