Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo aqbalay iscasilaadda wasiirka difaaca

0
297

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa aqbalay iscasilaadda wasiirkii gaashaandhigga ee dalkaasi Kim Yong-hyun.
Waxaa uu xilkan u soo xushay safiirkii Kuuriyada Koonfureed ku matalayay boqortooyada Sacuudi Carabiya Ambasadoor Choi Byung-hyuk.
Xafiiska madaxweynaha dalkaasi ayaa xaqiijiyay magacaabiddan sida ay qortay wakaaladda rasmiga ee wararka dowladda Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap .
Choi ayaa horay u soo noqday taliye militari.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wasiirka xafiiska baneeyay uu habeennimadii ay Talaadada soo galeysay uu madaxweyne Yoon kula taliyay inuu ku dhawaaqo xeer awood buuxda siinaya ciidamada militariga.
Hasa ahaate waxaa arrinkaasi ka soo horjeestay baarlamaanka iyadoo xubnaha mucaaradka ay gudbiyeen mooshin ay ku doonayaan in xilka looga qaado hoggaamiyaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol.
Ciidamada booliiska ee dalkaasi ayaa maanta sheegay in ay wadaan baaritaano ku aaddan kacdoon rabshadeysan oo ka dhan ah maamul dowladeed kaasi oo lagu eedeeyay madaxweyne Yoon.
Haddii dembigan lagu cadeeyo waxaa uu waynayaa xasaanadda madaxweyne isagoo muteysanaya xukun dil ah.