Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo farriin culus u diray siyaasiyiinta diidan muddo kororsigiisa

0
292

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad Lafta-gareen ayaa ka hadlay doodda ka taagan sharci ahaanshaha muddo kordhinta halka sano ah ee loo sameeyay.
Lafta-gareen oo ka hadlay munaasabad xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo oo loogu dabaal dagayay sanad-guuradiisaa 4-aad ee uu xilka hayo ayaa si cad u sheegay in arrinta muddo kordhinta ay tahay mid ay u sameeyeen baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in cida kaliya ee awood u leh diidmada halka sano ee muddo xileedkiisa loogu daray ay yihiin isla baarlamaankii hore ugu ansaxiyay arrintaasi.
“Mas’uuliyadda muddo kordhinta waxaa iska leh Baarlamaaanka, maalinta berri ah wixii ay Baarlamaanka ka qabaan ayaan ka qabaa, shalay habkii loo maray ayay u baahan tahay in loo maro, haddii la rabo in la iska daayo,” ayuu yiri Laftagareen.